Sheekooy Sheeko: Saddex Sheeko iyo Hal Cudur
Aan
qormadeyda kuugu billaabo sedax sheeko. Makki Xaaji Banaadir-ba sow kuma heesin
‘sheekooy sheeko, sheeko macaan, ma nii sheekeyn karaa?’ Noo Sheekey
dhaha.
1. Gaaladu
ma waxaad moodeysaa iney dowladnimo nala rabaan
Sheekadaan
waxay u badantahay inaad si uun ula kulantay. Sababta oo ah waa mawduuc aad
looga sheekeysto marka Soomaalidu meel isugu timaad. Waa sheekada iyo doodaha
ku saabasn siyaasadda Soomaaliya iyo dhibka na haysta dad ahaan iyo dal
ahaanba.
Isu-imaatinnadeena,
marka aan ka doodeyno – dadka doodayaa ha noqdeen siyaasiyiin ama muwaadiniin
kale – sababaha dowladnimadu noogu hagaagi la’dahay, waxaa aad miiska loo soo
saaraa faragelinta shisheeyahaha. Doodahaas markaad dhuuxdo, waxaad arkeysa in
marar badan eedda silica Soomaalidu ku jirto muddada dheer loo xanbaariyo dalal
ama dowlado shisheeye. “Gaaladu ma waxaad moodeysaa iney dowladnimo nala
rabaan” Arrintaas waad ila aragtay, sax? Laakiin waa dood raqiis ah – godka
qashinka ku rid.
2.
Waxaan keenay 90, macalinku wuxuu I
siiyay 50
Aan
u gudbo sheekada labaad. Sheekada labaad ciwaan ayay leedahay. Ciwaankeedu waa
‘Waxaan keenay 90, macalinku wuxuu I siiyay 50’. Ma waxaad isleedhay
sheekadu magac xumaa? Sidaa mooddo uma magac xuma!
Aan
kaaga dhaco marka. Waxay ahayd sanado ka hor mar aan ahaa macalin iskuul. Subax
subaxyada Ilaahey ka mid ah ayaan waxaan la sheekeysanayay koox ka mid ah
ardadeyda. Sidii hadba mawduuc loogu boodayay – mawduucyada waxaa ku jiray
ciyaaro koobka horyaallada Yurub ah oo habeenkaas la ciyaaray – ayaa waxaa loo
soo jeestay imtaxaan ay ardadu dhowaan galeen oo natiijadiisu maalma ka hor soo
baxday.
Mid
ka mid ah aradadii, oo malahayga rabay inuu kuwa asaagiisa ah ee nala taagan u
faano ayaa hadalkii qaatay. Wuxuu igu yiri, ‘Macalin maaddo hebel waxaan
keenay 90, balse maaddo hebel macalinku wuxuu I siiyay 50’. Warkaas uu
wiilkaas da’da yari geedkaas ka sheegay waan la yaabay. Buundada sare-na isaga
sheegtay, tan hoosana macalinkii ayuu u saariyay. Xariif dheh!
3.
Sheekadii Bac Madowda
Dukaan
ayaa waxaan ka gatay alaab aan badneyn. Lacagtii markii aan diray, dukaanlihii
wuxuu I weydiiyay “maxaa u danbeeya?” bal muu iska dhaafo. Waan u sheegay ka
dibna bac madow alaabtii aan ka gatay ku jirto ayuu I siiyay.
Markaan
alaabtii midigteyda ku hubsaday ayaan ninkii maagay, maagid leh u jeeddo caafimaad
qabta. Waxaan ku iri, “Saaxiibow sow ma ogid in isticmaalka bacda la mamnuucay?”
wuxuu igu yiri dowladdii mamnuucday dekedda ay maamusho ayay ka soo degtaa. Canshuur
ayayna ka qaadataa. Waxaan nafteyda ku iri, “si hadii loo fiiriyo, warkiisu waa
gar.” Dowladdu, iyaduna aqool xumaa. Waaba mamnuucdaye, mey joojiso!
Intaa markaan isu sheegay ayaa waxaan is iri magacaa jirye, intaas ha uga harin.
Waxaan weydiiyay, “adiga wax mas’uuliyada ma kaa saaranyihiin saameynta
tobonaanka bac ee aad maalin kasta magaalada ku asqeyso?” Si dhiirranaan iyo kalsooni
leh ayuu igu yiri aniga iima taal oo dowladda ayaa ka mas’uul ah.
Dood
gaaban ayaa na dhex martay. Sababta aan ula dooday ninka aanan aqoonta u lahayn
waxay ahayd inaan dareensiiyo mas’uuliyada shaqsiyeed ee saaran. Nasiib
darro-se waa ka soo dhaqaajin waayay meeshii uu taagnaa. Warsan iyo salaama
ayaan ku kala tagnay isagoo weli aaminsan in bacda dukaankiisa ka baxda dhibka
ka dhasha mas’uuliyadeeda oo dhan ay dowladdu qaadeyso.
Sedaxda sheeko ee kore, in kasta oo ay kala duwanyihiin, hal mid waa ka simanyihiin. Taa oo ah mas’uuliyad ka cararka iyo eedda dadka kale.
Da’
yarta mas’uuliyad ka cararka waa looga garaabaa. Waa sababta aan ardageyga ugu
cudur daaray maalinkaas. Balse ogow, xilkii iga saarnaa waan ka gutay oo waxaan
ku baraarujiyay ardgaas in si la mid ah maaddada uu imtaxaankeeda 90-ka keenay,
tan uu 50-ka keenay uu mas’uuliyadeeda
isaga leeyahay.
Dukaanlahase,
oo nin weyn ahaa doodiisa ah bac madowdeyda dowladda ayaa ka mas’uul ah gar ma ahan. Sidoo
kale, tan bulshada la xiriirta ee eedeynta shisheeyaha cudur daar looma sameyn
karo. Waxaad is weydiisaa: Soomaalida inta ku dhimatay xabbad uu shisheeye
riday iyo mid uu qof Soomaali ah riday yaa badan? Hantida ku burburtay fal qof
Soomaali ah iyo mid ku burburtay fal shisheeye teebaa badan? Tan ma waxaan kala
jeedaa dhibkeena shisheeye kaalin kuma leh? Maya. Dowr waa ku leeyahay. Laakiin
geed ayaa waxaa laga weriyay (geedna goormuu hadlay!) ‘Gudiney ima goyseen hadii uusan gabalkey kugu jirin.’
Qaadashada mas’uuliyadda iyo u dhaqanka si xilkasnimo ku
dheehantahay bulsho ahaan iyo shaqsi ahaanba, waxay ila tahay in ay tahay tallaabada koowaad ee xalka
dhibaatooyinkeena.


Marka laga soo tago ujeedka qormada oo ah baraarujin aad muhiim u ah, Muujinaysana sida aan mas'uuliyadaha fashilkeenna aan ugu wareejinno duulal kale - oo aan isleeyahay waa sababta ugu weyn oo waxyaabo badan ay noogu hagaagi la'yihiin, Isla xisaabtanka shakhsiyadeed iyo midka bulshana noogu yaryahay - Haddana habka curintu waa kaalay iska arag! Cammii.
ReplyDeleteHaa, Liibaan. Is xisaabinta iyo mas'uuliyad qaadashadu waxay ka mid yihiin tiirarka nolosha hadafka leh.
DeleteUstad Xuudi waa sheekooyin aad u xiiso badan, casharro badanna ku dheehanyihiin.
ReplyDeleteSida aad qaybta faallada ku tilmaanatay, Haddii annaga aan masuuliyaddeenna qaadanno, dhibka aan isku haynana joojinno, Alle u towbad keenno, wax badan baa noo hagaagi lahaa.
Dhanka kale, odayaashi hadday sidaas ku tageen, da' yarta qaabkii wacyigooda loo baddali lahaa ayaa muhiim ah waajibna naga wada saaranyahay. Ustaad Xuudi kaalintaada waad billowday annagana waa inaan kugu dayannaa.
Mahadsanid
Wacyi dhis badan bulshadu waa u baahantahay. Oo mararka qaar markaan arko sida dadka qaar u doodayaan, niyad xumo weyn ayaan ka qaadaa.
ReplyDeleteInnaba caadi maaha!, Waa sheekoyin cajiib ah oo si fudud oo aad u mug wayn loogu fahmi karo masuuliyad qaadasha la'aanta dadkeena taaso qayb wayn ka ah bur-burka dalka iyo dawlad la'aanta muddada dheer na daashatay.
ReplyDeleteMahadsanid.
Adigaa mudan. Waa i farxad gelineysaa inaad ka heshay qoraalka.
ReplyDeleteWaaw waa sheekoyin muhiim u ah bulshada cajiib ustaad soo badi hee waana kaaga mahadcelinayaa dhiirigalintada
ReplyDelete