Posts

Showing posts from October, 2025

Maanta Waxaan Ku Doodayaa In ka Sheegidda Magacyada Qabiilka Fagaarayaasha Laga Dhigo Danbi

Qabiilku waa qaddiyad ay ka dhashaan doodo xooggan mar walba oo laga hadlo midnimda Soomaalida, wadaniyadda, ama sinnaanta muwaadiniinta. Waa xaqiiq jirta oo aan la dafiri Karin. Balse waa in uusan noqon aalad loo isticmaalo kala qeybinta dadka, eexda, ama takoorka. Maanta waxaan ku doodayaa in sheegidda magaca qabiilka laga dhigo danbi. Hadii aysan keenin sabab maan gal ah oo noqon karta mid sharci ama mid waxbarasho. Qabiilku waa xaqiiq jirta oo qeyb ka ah nolosha Soomaalida Qabiilku waa qeyb weyn oo ka mid ah heyb-sooca Soomaalida. Wuxuu sheegaa qofka aad tahay, ama halka aad ka soo jeeddo. Yaa qaraaba kuu ah oo xil kaa saaran yahay. Taariikhdeennana marka la fiiriyo, qabiilku wuxuu kaalin ku lahaa iska warqabka iyo isu miciinidda. Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqda jiritaanka qabiilka waa in aan loogu qiil deyin qabyaaladda, oo noqotay caqabad ku hor gudban caddaaladda, abuuridda kalsoonida bulshada dhexdeeda, iyo in loo sinnaado fursadaha. Kaalinta Qabiilka ee Taariikhdeena T...