Khaladaadka Hirgalay
Khaladaad mar mar dhacaa waa caadi. Laakiin waxaa khatar ah, in khaladku caado noo noqdo. Illaa uu marka danbe gaaro in la wada aqbalo, oo uu cariiri geliyo runta cad. Khaladaadka noocaas ah dhexdeena waa ku badanyihiin, laakiin, sedax aan anigu aad u arko ayaan hoos kuugu soo gudbinayaa: Khaladka Koowaad: Laab = Jibbaar Aan kuugu billaabo xisaab fudud. Iga raalli ahaw hadii aadan xisaabta isku fiicneyn markaad iskuulka ku jirtay. Laakiin, waa fududahay ee ila soco. Dad badan waxay “laab” iyo “jibbaar” u isticmaalaan sidii inay isku mid yihiin. Ma aha. Xitaa is kuma dhowa. Laab waa marka tirada iyada la isku daro. Sida laba laab, oo la micno ah tiradii oo iyada la isku daray iyo sedax laab oo ka dhigan tiradii oo sedax jeer la isku daray. Jibbaar waa tiro iyada la isku dhuftay. Sida laba jibbaar oo la micno ah tiradii oo laba jeer la isku dhuftay iyo sedax jibbaar oo ka dhigan tiradii oo sedax jeer la isku dhuftay. Tusaale: Shey qiimihiisu yahay $5. Hadii uu laban laabmo ...