Posts

Showing posts from July, 2025

Sheekooy Sheeko: Saddex Sheeko iyo Hal Cudur

Image
Aan qormadeyda kuugu billaabo sedax sheeko. Makki Xaaji Banaadir-ba sow kuma heesin ‘ sheekooy sheeko, sheeko macaan, ma nii sheekeyn karaa? ’ Noo Sheekey dhaha. 1.       Gaaladu ma waxaad moodeysaa iney dowladnimo nala rabaan Sheekadaan waxay u badantahay inaad si uun ula kulantay. Sababta oo ah waa mawduuc aad looga sheekeysto marka Soomaalidu meel isugu timaad. Waa sheekada iyo doodaha ku saabasn siyaasadda Soomaaliya iyo dhibka na haysta dad ahaan iyo dal ahaanba. Isu-imaatinnadeena, marka aan ka doodeyno – dadka doodayaa ha noqdeen siyaasiyiin ama muwaadiniin kale – sababaha dowladnimadu noogu hagaagi la’dahay, waxaa aad miiska loo soo saaraa faragelinta shisheeyahaha. Doodahaas markaad dhuuxdo, waxaad arkeysa in marar badan eedda silica Soomaalidu ku jirto muddada dheer loo xanbaariyo dalal ama dowlado shisheeye. “ Gaaladu ma waxaad moodeysaa iney dowladnimo nala rabaan ” Arrintaas waad ila aragtay, sax? Laakiin waa dood raqiis ah – godka qashinka ku rid. ...