Sheekooy Sheeko: Saddex Sheeko iyo Hal Cudur


Aan qormadeyda kuugu billaabo sedax sheeko. Makki Xaaji Banaadir-ba sow kuma heesin ‘sheekooy sheeko, sheeko macaan, ma nii sheekeyn karaa?’ Noo Sheekey dhaha.

1.      Gaaladu ma waxaad moodeysaa iney dowladnimo nala rabaan

Sheekadaan waxay u badantahay inaad si uun ula kulantay. Sababta oo ah waa mawduuc aad looga sheekeysto marka Soomaalidu meel isugu timaad. Waa sheekada iyo doodaha ku saabasn siyaasadda Soomaaliya iyo dhibka na haysta dad ahaan iyo dal ahaanba.

Isu-imaatinnadeena, marka aan ka doodeyno – dadka doodayaa ha noqdeen siyaasiyiin ama muwaadiniin kale – sababaha dowladnimadu noogu hagaagi la’dahay, waxaa aad miiska loo soo saaraa faragelinta shisheeyahaha. Doodahaas markaad dhuuxdo, waxaad arkeysa in marar badan eedda silica Soomaalidu ku jirto muddada dheer loo xanbaariyo dalal ama dowlado shisheeye. “Gaaladu ma waxaad moodeysaa iney dowladnimo nala rabaan” Arrintaas waad ila aragtay, sax? Laakiin waa dood raqiis ah – godka qashinka ku rid.


2.      Waxaan keenay 90, macalinku wuxuu I siiyay 50

Aan u gudbo sheekada labaad. Sheekada labaad ciwaan ayay leedahay. Ciwaankeedu waa ‘Waxaan keenay 90, macalinku wuxuu I siiyay 50’. Ma waxaad isleedhay sheekadu magac xumaa? Sidaa mooddo uma magac xuma!

Aan kaaga dhaco marka. Waxay ahayd sanado ka hor mar aan ahaa macalin iskuul. Subax subaxyada Ilaahey ka mid ah ayaan waxaan la sheekeysanayay koox ka mid ah ardadeyda. Sidii hadba mawduuc loogu boodayay – mawduucyada waxaa ku jiray ciyaaro koobka horyaallada Yurub ah oo habeenkaas la ciyaaray – ayaa waxaa loo soo jeestay imtaxaan ay ardadu dhowaan galeen oo natiijadiisu maalma ka hor soo baxday.

Mid ka mid ah aradadii, oo malahayga rabay inuu kuwa asaagiisa ah ee nala taagan u faano ayaa hadalkii qaatay. Wuxuu igu yiri, ‘Macalin maaddo hebel waxaan keenay 90, balse maaddo hebel macalinku wuxuu I siiyay 50’. Warkaas uu wiilkaas da’da yari geedkaas ka sheegay waan la yaabay. Buundada sare-na isaga sheegtay, tan hoosana macalinkii ayuu u saariyay. Xariif dheh!

 

3.      Sheekadii Bac Madowda



Dukaan ayaa waxaan ka gatay alaab aan badneyn. Lacagtii markii aan diray, dukaanlihii wuxuu I weydiiyay “maxaa u danbeeya?” bal muu iska dhaafo. Waan u sheegay ka dibna bac madow alaabtii aan ka gatay ku jirto ayuu I siiyay.

Markaan alaabtii midigteyda ku hubsaday ayaan ninkii maagay, maagid leh u jeeddo caafimaad qabta. Waxaan ku iri, “Saaxiibow sow ma ogid in isticmaalka bacda la mamnuucay?” wuxuu igu yiri dowladdii mamnuucday dekedda ay maamusho ayay ka soo degtaa. Canshuur ayayna ka qaadataa. Waxaan nafteyda ku iri, “si hadii loo fiiriyo, warkiisu waa gar.” Dowladdu, iyaduna aqool xumaa. Waaba mamnuucdaye, mey joojiso!

Intaa markaan isu sheegay ayaa waxaan is iri magacaa jirye, intaas ha uga harin. Waxaan weydiiyay, “adiga wax mas’uuliyada ma kaa saaranyihiin saameynta tobonaanka bac ee aad maalin kasta magaalada ku asqeyso?” Si dhiirranaan iyo kalsooni leh ayuu igu yiri aniga iima taal oo dowladda ayaa ka mas’uul ah.

Dood gaaban ayaa na dhex martay. Sababta aan ula dooday ninka aanan aqoonta u lahayn waxay ahayd inaan dareensiiyo mas’uuliyada shaqsiyeed ee saaran. Nasiib darro-se waa ka soo dhaqaajin waayay meeshii uu taagnaa. Warsan iyo salaama ayaan ku kala tagnay isagoo weli aaminsan in bacda dukaankiisa ka baxda dhibka ka dhasha mas’uuliyadeeda oo dhan ay dowladdu qaadeyso.

Sedaxda sheeko ee kore, in kasta oo ay kala duwanyihiin, hal mid waa ka simanyihiin. Taa oo ah mas’uuliyad ka cararka iyo eedda dadka kale.

Da’ yarta mas’uuliyad ka cararka waa looga garaabaa. Waa sababta aan ardageyga ugu cudur daaray maalinkaas. Balse ogow, xilkii iga saarnaa waan ka gutay oo waxaan ku baraarujiyay ardgaas in si la mid ah maaddada uu imtaxaankeeda 90-ka keenay, tan uu 50-ka keenay uu  mas’uuliyadeeda isaga leeyahay.

Dukaanlahase, oo nin weyn ahaa doodiisa ah bac madowdeyda dowladda ayaa ka mas’uul ah gar ma ahan. Sidoo kale, tan bulshada la xiriirta ee eedeynta shisheeyaha cudur daar looma sameyn karo. Waxaad is weydiisaa: Soomaalida inta ku dhimatay xabbad uu shisheeye riday iyo mid uu qof Soomaali ah riday yaa badan? Hantida ku burburtay fal qof Soomaali ah iyo mid ku burburtay fal shisheeye teebaa badan? Tan ma waxaan kala jeedaa dhibkeena shisheeye kaalin kuma leh? Maya. Dowr waa ku leeyahay. Laakiin geed ayaa waxaa laga weriyay (geedna goormuu hadlay!) ‘Gudiney ima goyseen hadii uusan gabalkey kugu jirin.’

Qaadashada mas’uuliyadda iyo u dhaqanka si xilkasnimo ku dheehantahay bulsho ahaan iyo shaqsi ahaanba, waxay ila tahay in ay tahay tallaabada koowaad ee xalka dhibaatooyinkeena. 

Comments

  1. Marka laga soo tago ujeedka qormada oo ah baraarujin aad muhiim u ah, Muujinaysana sida aan mas'uuliyadaha fashilkeenna aan ugu wareejinno duulal kale - oo aan isleeyahay waa sababta ugu weyn oo waxyaabo badan ay noogu hagaagi la'yihiin, Isla xisaabtanka shakhsiyadeed iyo midka bulshana noogu yaryahay - Haddana habka curintu waa kaalay iska arag! Cammii.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Haa, Liibaan. Is xisaabinta iyo mas'uuliyad qaadashadu waxay ka mid yihiin tiirarka nolosha hadafka leh.

      Delete
  2. Ustad Xuudi waa sheekooyin aad u xiiso badan, casharro badanna ku dheehanyihiin.
    Sida aad qaybta faallada ku tilmaanatay, Haddii annaga aan masuuliyaddeenna qaadanno, dhibka aan isku haynana joojinno, Alle u towbad keenno, wax badan baa noo hagaagi lahaa.
    Dhanka kale, odayaashi hadday sidaas ku tageen, da' yarta qaabkii wacyigooda loo baddali lahaa ayaa muhiim ah waajibna naga wada saaranyahay. Ustaad Xuudi kaalintaada waad billowday annagana waa inaan kugu dayannaa.

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  3. Wacyi dhis badan bulshadu waa u baahantahay. Oo mararka qaar markaan arko sida dadka qaar u doodayaan, niyad xumo weyn ayaan ka qaadaa.

    ReplyDelete
  4. Innaba caadi maaha!, Waa sheekoyin cajiib ah oo si fudud oo aad u mug wayn loogu fahmi karo masuuliyad qaadasha la'aanta dadkeena taaso qayb wayn ka ah bur-burka dalka iyo dawlad la'aanta muddada dheer na daashatay.

    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  5. Adigaa mudan. Waa i farxad gelineysaa inaad ka heshay qoraalka.

    ReplyDelete
  6. Waaw waa sheekoyin muhiim u ah bulshada cajiib ustaad soo badi hee waana kaaga mahadcelinayaa dhiirigalintada

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Xal u Raadinta Dhibaatooyinka Muqdisho: Waxaa la Joogaa Waqtigii Jaamacaduhu soo Dhaafi Lahaayeen Fasallada.

Casharka ku Jira Ciilka Cartan

Khaladaadka Hirgalay