Casharka ku Jira Ciilka Cartan


Maraykanka oo ka mid ah saddexda dal ee wadajirka u martigelinaya Koobka Kubadda Cagta Adduunka ee sanadkan ayaa garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan u diiday inuu waddankiisa galo. Waxaa laga soo celiyay garoonka caalamiga ah ee Miami isaga oo sita fiise sharci ah iyo baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya.

Soo celinta Cartan waxay dhalisay falcelin caalami ah. Waxaa si weyn uga hadlay warbaahinta caalamka. Waxaa canbaareeyay shaqsiyaad caan ah oo isugu jira siyaasiyiin, ciyaartoy hore iyo falanqeeyayaal. Si kastaba ha ahaatee, canbaareyntaas waxba kama beddelin natiijadii dhacday; Cartan waa laga reebay tartankii uu sannado badan ku hamminayay inuu qayb ka noqdo.

Gudaha Soomaaliya iyo Soomaalida dhexdeedaba, dhacdadani waxay dhalisay ciil iyo caro. Warbaahinta iyo baraha bulshada waxaa qabsaday hadallo ay ka mid yihiin: “Wiilkeenii waxaa loo faquuqay inuu Soomaali yahay.” Dareenkaasi waa la fahmi karaa. Marka qof Soomaaliyeed oo dadaal, karti iyo hufnaan ku gaaray heerka ugu sarreeya ee xirfaddiisa uu la kulmo caqabad noocan ah, waa dabiici in dadkiisu ay niyad jabaan.

Laakiin waxaa mudan in aan isweydiinno su’aashan: Muxuu yahay casharka ku jira ciilka Cartan?

Casharka ugu weyn kuma jiro dhaqanka dowladda Maraykanka ee wuxuu ku jiraa waxaan innagu ka gaabinnay. Tobannaan sano ayay Soomaalidu ka cabanayeen caqabadaha ay muwaadiniinteedu kala kulmaan socdaalka, safarrada iyo xuduudaha dalalka ay dantu bidday. Haddana, wali ma aanan dhisin dawlad awooddeeda, hay’addeheeda iyo sumcaddeeda caalamiga ay muwaadiniinteedu ku helaan xaq dhowr iyo ixtiraam la mid ah kan ay helaan muwaadiniinta dalalka kale.

Marka dhacdo sidan oo kale ahi dhacdo, waxaa nagu soo deg dega dareenka ah inaan cambaarayno cidda khaladka samaysay. Canbaareyntaasu waa gar. Laakiin, maxay noo soo kordhisaa? Canbaareynta waxaan ku xijinnaa taageero iyo is garab taag loo muujiyo muwaadinkii dhibka ama caqabaddu qabsatay. Waxaa la qabtaa shirar, isu-soo-baxyo. Waxaa la billaabaa lacag aruurin. Taageerada noocan ah waxay muujisaa inaan ka danqaneyno oo aan daneyno arrinta taagan, balse wax weyn kama tarto ka hor tagga in dhacdadani aysan mar kale soo noqon.

Taas waa inaa maanka ku hayno.

Waxaa intaas dheer, waxaa habboon in aan indhaha ku hayno dadka Soomaaliyeed ee maanta haya awoodda ay wax ku beddeli karaan si aysan tan oo kale mustaqbalka u dhicin. Siyaasiyiinta, diblomaasiyiinta, aqoonyahannada iyo madaxda hay'adaha kala duwan ayaa si joogto ah uga qayb gala munaasabadaha lagu muujiyo taageerada iyo midnimada marka dhacdooyin noocan oo kale ahi dhacaan. Hase yeeshee, waxaa iyaga la gudboon in ay kaalintooda qaataan oo xooggooda isugu geeyaan  horseedidda isbeddel muuqda.

Haddii kuwa awoodda leh aysan ka shaqayn hagaajinta hay'adaha, sumcadda dalka, tayada adeegyada dawladda iyo awoodda baasaboorka Soomaaliyeed, khudbooyinkooda iyo ‘is garab taagooda’ waxba nooguma fadhiyaan.

Ciilka Cartan wuxuu mudan yahay in la muujiyo lagana dhiidhiyo. Balse haddii uu halkaas ku ekaado, sidii dhici jirtay, waa ayaan darradii oo sii socota. Haddii se uu horseedo baraarug lagu dhiso hay'ado dowladeed oo xooggan, diblomaasiyad karti iyo hufnaan saldhig looga dhigay, dadaallo lagu horumariyo baasaboorka Soomaaliyeed, laguna hagaajiyo maamulka iyo sumcadda dalka, markaas wuxuu isu beddelayaa cashar qiimo leh.

Taariikhdu waxay ina baraysaa in quruumaha horumara aysan ku ekaan ciil iyo murugo markii ay dhacdooyin uur-ku-taallo leh soo maraan; waxay ka dhaliyaan xalal ka hortaga in dhacdooyinkaas dib u soo noqdaan.

Taasi waa casharka ugu weyn ee ku jira ciilka Cartan.

 


Comments

Popular posts from this blog

Xal u Raadinta Dhibaatooyinka Muqdisho: Waxaa la Joogaa Waqtigii Jaamacaduhu soo Dhaafi Lahaayeen Fasallada.

Khaladaadka Hirgalay