Soomaaliya Maxay Dowlad Shaqeysa u Dhisan La'dahay?
Maanta waxaan dhegeystay barnaamijka Doodwadaag ee ka baxa Universal TV. Waa uu dheeraa. Barnaamijku wuxuu soday 1 saac iyo 45 daqiiqo. Kaska iyo waqtiga aan ku dhegeystay xageen ka keenay? Waa la yaabanahay! Wayadaan waxaa na aafeeyay oo dulqaadkii nagala diriray muuqaallada koo-kooban ee baraha bulshada. Danigeede, waan dhegeystay doodda. Adiga xataa inaad dhegeysatay waa laga yaabaa. Aadba dhegeysatide, mawduuceeda iga hoo. Waxay dooddu ka jawaabeysay su'aal loo dhigay sidan: "25 sano ka dib dhismihii Jamhuuriyadda Sedaxaad, maxay dowladnimada Soomaaliya u saldhigan la'dahay?" Malaha su'aasha mawduuca muhiimadeeda iyo inaan aad u daneynayo jawaabteeda ayaa kaska i geliyay. Playback speed oo aan 2.0x ka dhigayna waa i kaalmeysay. Mooji. Aan ka gudbo. Doodda waxaa ku jiray sedax oday. (1) Axmad Ciise Cawad oo mar ahaa safiir marna noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, (2) Cabdi Hoosow oo mar noqday Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya, iyo (3) Dr. Xasan...