Ahmiyadda Ereyadeenna



 “Soomaalidu waxay go’aansadeen iney is war xumeeyaan” Waa ereyo aan ka maqlay nin oday ah oo biibito shaah laga cabo fadhiya oo koobkiisa fiiqsanaya. Hadalkaas kooban oo uu yiri, saameyn ayuu igu yeeshay, oo waxaan billaabay inaan si dhow ugu fiirsado sida dadku u wada hadlaan.

Marka waxaan is weydiiyay – maxaa lugu nacay hadalkii wanaagsanaa? Waxay iila ekaatay inaan illownay saameynta ereyada aan ku hadalno leeyihiin.

Ereyada aan ku hadalnaa awood ayay leeyihiin. Waxbay dhisi karaan, waana dumin karaan; cudur iyo dawo labadaba waa noqon karaan. Erey naxariis ku dheehantahay oo laga fiirsaday, wuxuu waraabin karaa ruuxda qof liicsan. Halka kan aan laga fiirsan uu dhaawac geysan karo. Waxaa laga yaabaa iney ka bad-badis kuula muuqato, laakiin ereyada lagu hadlaa dadka ama bulshada waa dili karaan ama nooleyn karaan.

Mar kasta oo aan hadleyno, waxaan qiyaar u leenahay ereyada aan isticmaaleyno. Waxaana rajeynayaa, inaan doorano ereyba midka uu ka wanaagsanyahay.

Tusaalaha Nabi Yuusuf (C.S.)

Wax yar ka hor ayaan dib u dhegeystay muxaadaro ka hadlaysa qisadii Nebi Yuusuf (CS) oo uu soo jeedinayo Sheekh Mustafe. Qisada Nabi Yuusuf oo dabcan ku idil suurat Yuusuf, waxay sawir ka bixineysaa dhibka nabigu maray oo ku bilowday ilmannimadiisii. Isaga oo ilma yar ah ayay walaalihii god ku rideen. Safarrey ayaa godkii ka heshay oo addoon ahaan u iibsaday. Xasuusnow, waa nebi, aabbihii iyo labadiisa awoowaba ay nabiyo ahaayeen.

Waxaa sidoo kale suuraddaas lagu sheegay, dhacda kale oo sababtay in wiil kale oo uu jeclaa nebi Yacquub waayay. Dhacdooyinkaas murugada leh oo ay u weyneyd weyntiisa Yuusuf, waxay keentay in Nebi Yacquub indho beelo.

Marxaladdaas markaad fiirdo, waxaa kuu muuqanay qoys u dhibban murugo, uur-ku-taallo iyo khiyaano. Sidaa oo ay tahana, Nebi Yuusuf ugu danbeyntii waa isku soo celiyay oo mideeyay reerkaas isaga oo u maraya xikmad, dulqaad iyo tan ugu muhiimsan oo ah inuu aad uga fiirsaday ereyada afkiisa ka soo baxaya. 

Laba tusaale oo sheekhu muxaadarada ku soo qaatay oo aayadda 100aad ku wada jira waxay ahaayeen: 

  1. Kolkii qoysku isu yimid, Nebi Yuusuf wuxuu yiri:
     “Eebbe waa ii wanaag falay markuu iga bixiyay xabsiga.” U fiirso, Nebi Yuusuf waxaa uu ka hadlay xabsiga, balse sooma hadal qaadin ceelkii lagu tuuray. Is weydii sababta. Sababtu waa inuu ahaa nin gob ah oo diidayay in walaalihii dib u gocdaan qaladkii ay galeen. Hadii uu ceelka sheegi lahaa yax-yax ayaa ku iman laha raggan la dhashay ee la jooga. Wuxuu iska ilaaliyay inuu walaalihii xasuusiyo khaladaadkii ay galeen. Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu reerka mideeyo ee ma uusan ahayn inuu boog hore taabto. Sidaa darteed, wuxuu doortay ereyo dhaawacyadii hore dhaya ee aan dhimin, ereyo reerka mideeya ee aan kala geyn. 
  2. Isla aayadda, Nebi Yuusuf wuxuu yiri:
     “…ka dib markii sheydaan na waswaasiyay aniga iyo walaalahey” Eedda dhibkii dhacay oo dhan sheydaan ayuu dusha ka saaray. Walaalihiis ma uusan eedeyn. Xataa wuxuu hadalka u dhigay in waswaasku labada dhinacba galay. Iyada oo la ogyahay in dhibka dhacay nebi Yuusuf uusan wax kaalin ah ku lahayn. Mar labaad, ereyada uu isticmaalay waxa uu ku dhowray sharafta iyo niyadda ragga la dhashay isaga oo si indheer-garadnimo ku dheehantay uga fikiray dib-u-heshiisiin iyo midow. 

Isaga oo u maraya ereyada uu isticmaalay, nebi Yuusuf reerkii kala irdhoobay dib ayuu u mideeyay. 

Soomaalida iyo Warkeeda

Qisada nebi Yuusuf waxaa noogu sugan casharro wax ku ool ah. Sababta oo ah Soomaali hadaan nahay waan kala irdhownay, waan is nacnay. Sidoo Kalena waa war badannahay. Waa kaftan badannahay (anigu ma aaminsani in kaftan jiro).

Sanado badan, Soomaalidu bulsho ahaan waa kala fogaatay. Bulsho ahaan iyo qaran ahaanba. Xaaladdeenaan murugsan waxaa sababay waxyaaba kala duwan – dagaallo sokeeye, saboolnimo, fara gelin shisheeye – hadana iskama indha tiri Karno kaalinta hadalkeenna iyo war-xuma-tashiilka.

Waxaa nagu dhex faafay:

1. Warka dadka shabbadeeya (qaran dumis, shisheeye kalkaal ...)

2. Warka dadka kala qeybiya

3. Warka buunbuuniya keliya inta aan ku kala duwannahay. 

3. Warka dhimiya boogaha ee aan dhayin.

Dad badan ayaa wararka noocaan ah ku hadla, mararka qaar si ka fiirsi la’aan ah, marar Kalena si ula kac ah. Halkii ay ku hadli lahaayeen ereryo dadka mideeya oo isu soo dhoweeya sidii kuwii nebi Yuusuf.

Si la mid ah sida warkeennu qeyb uga qaatay kala irdheynta, ayuu sidoo kale door uga ciyaari karaa dhayidda boogaheenna. Bulshada Soomaaliyeed waa dad wada dhashay, isku diin ah, taariikhuna mideyso. Hadalka wanaagsan ee xanbaarsan xushmadda iyo kal-gacaylka wuxuu sabab u noqon karaa isu soo dhowaasheheenna.

Mid kasta oo innaga mid ah door ayaa uga furan mideynta bulshadeenna. Ha yareysan erey xushmad ku dheehantahay oo aad kaga hadasho maqaayadaha, si ixtiraam leh oo aan u doodno, reeraheenna iyo xubnaha qoyskeenna oo aan kula dhaqanno gobannimo iyo is cafin. Arrimahan, waxay kuula muuqan karaan kuwo yar-yar, balse waxay noqon karaan tallaabooyinka ugu horreeya ee geeddiga isku soo noqoshada bulshadeenna.

Hadii nebi Yuusuf uu hadalkiisa u isticmaalay isku soo dumidda reer kala tegay, hubaal, innaguna ereyadeenna waa u adeegsan karnaa heshiisiinta iyo isu keenidda bulshadeenna.

Marka, mid kasta oo innaga naga mid ah waxaa u taal: Ma waxaan u hadlaa qaab boogaha bulshada daweeya mise qaab dhaawacyada dhimiya? Hadalkeennu ma wuxuu xoojiyaa shabakadaha isku haya xiriirka bulshadeenna mise wuu furfuraa?

Comments

Popular posts from this blog

Xal u Raadinta Dhibaatooyinka Muqdisho: Waxaa la Joogaa Waqtigii Jaamacaduhu soo Dhaafi Lahaayeen Fasallada.

Casharka ku Jira Ciilka Cartan

Khaladaadka Hirgalay