Xal u Raadinta Dhibaatooyinka Muqdisho: Waxaa la Joogaa Waqtigii Jaamacaduhu soo Dhaafi Lahaayeen Fasallada.


Markaad ku dhex socoto Muqdisho waxaad arkeysaa: Wadooyin mashquul ah balse uusan sharci ka jirin, sandaqado yar-yar oo daroogada lagu iibiyo, dhallinyaro jaamiciyiin ah balse aan shaqo iyo jiho midna lahayn, xaafado jidadkooda ay dhiiqada, qashinka iyo carruur aan haysan meel ay ku ciyaaraan ay is dhex daadsanyihiin.

Xaaladdan aan kuu sawiray waa xaqiiqo ay la noolyihiin dadka Xamar, oo saameyn ku leh noloshooda maalin laha iyo mustaqbalkoodaba.

Hadana, iyada oo Xamar sidaa tahay, waxaa jira dad aan wax badan ku tebayo, balse gebay kaalintoodii xallinta dhibaatooyinkaan. Waa jaamacadaha iyo bulshada waxbarashada.

Muqdisho waa magaalo jaamacado iyo hay’ado waxbarasho ay buux-dhaafiyeen. Sidaa oo ay tahana, ka arradan fikrado dhaliya xalalka dhibaatooyinka badan ee haysta.

Fasallada jaamacaduhu waa buuxaan. Xafladaha qalin jebintu waa is daba joog. ‘Cilimi-baarisyo’ waa la qoraa, waa la difaacdaa, waana la daabacaa.

Balse is weydii su’aashan:

Maxay la egtahay waxa ay ku kordhiyaan xal u helidda caqabadaha iyo fowdada ka jirta magaaladaan?

Ma aragtaa cilmi baarisyo jaamacadeed oo soo bandhiga xalka fowdada Muqdishada maanta?

Aaway talooyin ku qotomo xog rasmi ah oo kaabi kara shaqada booliska, maamullada degmooyinka, kuwa gobolka iyo maxkamadaha?

Ma waxaad is leedahay talo ma yeelayaan? Aniguba shakigaas waa igu jiraa, balse ha lugu dayo.

Magaalo jah-wareer ka jiro, suurta gal ma ahan in jaamacadaha ku yaallaa ay ku qeybaan shahaado bixin keli ah. Aqoon fasallada ku koobani, waa mid khasaartay!

Aqoonyahanku marar badan waxay dhahaan, “hagidda siyaasaddu annaga nooma taal” ama “nidaamka iyo kala danbeytu waa mas’uuliyad u taal dowladda” Waxaan is leeyahay waa war qeyb-ahaan run ah balse qabyo ah.

Waa run’oo, jaamacaduhu uma jiraan iney galaan booska dowladda. Balse waxay u jiraan iney xog iyo aqoon cusub ku kordhiyaan, iney dhibaatooyinka jira iyo xalalkooda u iftiimiyaan iyo iney hagaajiyaan shaqadeeda iyo wax-qabadkeeda.

Meelo badan oo dunida ah, magaalooyin la daalaa-dhacayay danbiyo, nidaam darro iyo bur-bur bulsho waxay miciin bideen jaamacado si ay u helaan taxliil xog ku qotoma oo ku saabsan dhibaatooyinka jira, waxa Sababa iyo xalalkooda.

Muqdisho maa waddadaas marto?

Mey kaalin ka qaataan xal u helidda Nidaam darrada ka jirta wadooyinka, dhibaatada daroogada, shaqa la’aanta iyo danbiyada dhallinyarada dhexdooda ah iyo wacyiga hooseeya ee bulshada ee keenaya inaan la ixtiraamin sharciga

Waa meelo ay ka tala dhiiban karaan xeel-dheerayaasha cilmiga bulshada, sharci yaqaannada, dhaqaalayahannadu iyo kuwa ku taqasusay qorsheynta magaalooyinka.

Hadii aysan jaamacaduhu kaalintan qaadan, firaaqa ka dhasha waxaa buuxin doona – hadaba buuxiyay oo aan aragnaa – dad fikir aan cilmi ku saleysneyn soo gudbiya.

Buug difaacid ha laga gudbo oo ha loogudbo abuuridda cilmi cusub iyo soo jeedinta xalal waara.

Bal qiyaas hadii:

1.      Ardada qalin-jebineysa ay cilmi baaris ku sameyn lahaayeen dhibaatooyinka maalin laha ah ee Muqdisho.

2.      Kulliyadaha jaamacaduhu ay bahwadaag shaqo la yeelan lahaayeen maamullada degmooyinka.

3.      Barfasoorradu ay soo bandhigi lahaayeen cilmi baarisyo waaqaca ka tarjumayo oo keena xalal rasmi ah.

Qiyaasahani waa dhaboobi karaan. Waxay u baahantahay iney jaamacaduhu is qiimeeyaan, dibna u fiiriyaan jihadooda. Waa iney dareemaan mas’uuliyadda saaran.

Jaamacaduhu waa iney ku dhiirradaan arrinkaan. Waa hubaal in aysan fududeyn. Waxaa laga yaabaa iney xasaasiyad siyaasadeed leedahay, ayna keeni karto in la idin dhalleeceeyo. Balse ka aamusnaanta arrimahan waa fulaynimo.

Jaamacadaha maamulkooda, barfasoorrada iyo cilmi baarayaasha waxaa la gudboon in ay ka soo baxaan xeyn daabkooda.

Waxaa looga fadhiyaa iney darsaan Muqdisho iyo sida xaalkeedu yahay. Waxaa looga fadhiyaa iney la fal-galaan dadka go’aannada maamul ee magaalada gaara. Waxaa looga fadhiya iney cilmibaaristooda ka dhigaan mid ku qoran af ay fahmi karaan dadka xukunka haya.

Muqdisho waa soo kabaneysaa. Waa koreysaa si tartiib-tartiib ah. Iney noqoto meel nidaam, sharci iyo kala danbeyn ka jiro iyo iney sii ahaato meel fowdadu xarka goosatay, keliiya kuma xirna siyaasiyiinta iyo askarta. Waxay sidoo kale ku xirantahay fikradaha iyo talooyinka dadkeeda.

Fikradahana, meesha lagu dhaliyo laguna kobciyo waa jaamacadaha.

 


Comments

  1. Waaryee, Xuutiyoow, good job baan ku leeyahay.maskax furan iyo feker nadiif weeye hoowshaani

    ReplyDelete
  2. Fikirrada iyo doodahaadu, Xuudiyoow, waa kuwo waqtigooda ku habboon oo aad muhiim ugu ah mustaqbalka Soomaaliya. Baaqaada ku aaddan in jaamacaduhu aysan ku koobnaan fasallada ee ay si toos ah uga qayb qaataan xalinta dhibaatooyinka bulshada waa arrin loo baahan yahay si isbeddel dhab loogu helo Mudishu iyo dalka oo dhanba. Dhammaan dalalka dunida horumaray waxay ka faa’iidaystaan jaamacadahooda iyo xarumahooda istaraatiijiga ah ee fikirka, kuwaas oo soo saara talooyin iyo cilmi ku saleysan qorshe qaran; tusaale ahaan, Maraykanku wuxuu leeyahay xarumo cilmiyeed sida Brookings Institution, halka Kenya ay leedahay Kenya Institute for Public Policy Research and Analysis (KIPPRA), kuwaas oo talooyin iyo saameeyn ku leh go’aannada dowladeed iyo isbeddellada bulshada. Waan kugu raacsanahay, Xuudiyoow, in waxbarashadu aysan ku ekaan keliya shahaadooyin bixib, balse waa in ay dhalisaa xalal, wacyigelin iyo hal-abuur. Xuudiyoow, boorintaada kuwajahan aqoonyahannada iyo ardayda jaamacadaha ineey la falgalaan xaqiiqada nololeed ee Muqdisho, waa dhab, waana mid ku tusayaa in aqoontu qiimo leedahay marka ay bulshada u adeegto. ugu dambeeyn waxaan kugu dheerigelinayaa inaad halkaan kasii wado doodaha muhiimka ah ee noocan ah, kuna faafiyo dhalinyarada iyo ardayda si loo kiciyo wacyiga iyo isbeddelka bulshada.
    mahadsanid mudane!

    English Version:
    Mr. Xuudi, your reflections are both timely and vital for Somalia’s future. I thought your call for universities to move beyond the classroom and take an active role in addressing real societal problems is exactly what the nation needs to nurture meaningful change. Every successful nation on earth benefits from its academic and strategic institutions — from universities that research local challenges to think tanks that guide national policy; for example, the United States has centers like the Brookings Institution, and Kenya has institutions such as the Kenya Institute for Public Policy Research and Analysis (KIPPRA), both of which inform government decisions and social reforms. I agree with you that education must not only produce degrees but also inspire solutions, civic responsibility, and innovation. By challenging academics and students to engage with the realities of Mogadishu and Somali in general, you reminds us that knowledge is valuable only when it serves the people. additionally, I encourage you that you to continue these important social discussions and share them widely with the youth and university students because I think that such honest dialogue would help to bring awareness to current social challenges in the country.
    I thank you for your thoughtfulness and activism!

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Casharka ku Jira Ciilka Cartan

Khaladaadka Hirgalay