Maha Beled Ma Laga Rabaa? Safar, Siyaaro, iyo Su’aal.




22 July waxaan ka safray Muqdisho anigoo ku socda Guriceel. 6da aroornimo ayaan ka baxay gurigeyga oo ku yaal Wadajir.

U jeeddada safarkeyga ayaa ahayd inaan wehliyo hooyo oo u socota qaraaba salaan iyo siyaarada aabbeheed awoowe Sheekh Nuur Cabdulle. Awoowe wuxuu ahaa sheekh deegaankiisa caan ka ahaa waqtigiisii. Ka dib geeridiisii, qiyaastii kontomeeyo sano ka hor, ayay dhashiisii iyo xertiisii go'aansadeen in munaasabad sanadle ah loo dhigo.

Munaasabaddan ayaa ka dhacda goobta uu ku duuganyahay oo afartameeyo kiiloo mitir koonfur ka xigta Guriceel. Goobta waxaa sidoo kale kula duugan ayeeyo Faadumo Maxamad Xasan. Allaha u naxariisto dhammaantood.

Bosteejada Sahal

Sidii caadiga ahaydba safarku wuxuu ka bilowday Sahal KM4 (mana sahlanee). Waxaan la kowsaday buuq iyo qeylo. Inta aadanba soo gelin Sahal, waxaa kaa hor imaanaya rag iyo haween wareejinaya adeeg ama agab ay is leeyihiin dadka safrayaa waa u baahanyihiin. Oo ay ka mid yihiin tusbaxa digitalka ah, fure iyo quful iyo baco waaweyn. 

Markaan bajaajta aniga iyo boorsadeydii ka degnay ayaa waxaa ii yimid nin sharooto iyo qalin koobi la ordaya. Wuxuu i yiri aan kuu calaamadeeyo boorsadu yeysan kaa lumine. Waan ka cudur daartay, oo waxaan ku iri uma baahni.

Kursi dhagax ka sameysan oo meesha ku yaal ayaan fariistay, si aan hooyo oo xaafad kale ka imaaneysay ugu sugo. Daqiiqado markii aan fadhiyay ayaa askari boolis ah oo qori sitaa ii yimid. Wuxuu yiri meesha ka kac. Waxaan weydiiyay sababta. Wuxuu yiri lama oggola, kaamirana waa ku haysaa. Amar dowlo mudiic - waa ka kacay.

Waxaan is iri, intaad hooyo sugee, maadba tikidkii baska iska soo goydid. Bidixdeyda meel aan markii safar iigu danbeysay ku ogaa in tikidhada baska laga jarto ayaan ku leexday. Dad ayaa ku xoonsan ninka kumbiyuutarka fadhiya. Markaan dul tegay ayaan weydiiyay inuu jarayo tikidka baska. Maya ee tikidhada diyaaradaha ayaan dadka u daabacaa ayuu igu yiri. Waan ka tegay illeen keyga hore ayaan u soo daabacdaye.

Waxaan u sii gudbay daaqaddii tikitka baska laga jaranayay. Gabadhii fadhisay ayaan iri laba tikit ii jar. $16.8 dir ayay tiri, anna waan u diray. Tikadhadii ayay i siisay. Khidmaddaan waa ku badantahay musaafiriinta. Marka la fiiriyo (a) masaafada oo qiyaastii 1 KM ah; (b) Tayada adeegga; iyo (c) in dowladdu ay halkaas shirkad keli ah dadkii ku qasabtay iyada oo aan la xisaabtameyn.

Boorsa yar oo aan watay ayaan kula leexday qol yar oo safiita ah si eeyga wax uriyaa uu ugu baaro. Qolka iriddiisa far qal-qalloocan ayaa waxaa qalin koobi lagula qoray 'qolka baarista'. Waan hubaa si ka fiican oo loo qori karay waa jirtaa.

Daqiiqado ka dib ayaa nala yiri boorsooyinkiina qaata. Markii aan boorsadeyda soo qaatay, hooyo waa timid. Hooyo waxaa la socda wiil iyo gabar ay ayeeyo u tahay, oo aan safar ahayn, balse iyada caawinayay. Saxmadda ka jirta goobaha baaritaannada gaadiidka ee magaalada ayaa in yar soo daahiyay. Hooyo boorsadeedii ayaan hadana qolkii baarista gelinay.

Waxaan uga sii gudibnay baaritaan kale. Oo boorsooyinka iyo dadkaba la marinayo, ka dibna baskii ayaan ku dhacnay. Waxaa nala geeyay terminalka iriddiisa.

Baskii markaan ka degnay, boorsooyinkii mid ayaa maqan. Yaa la booday? Ma belo? Mid ayaa qaaday oo geeyay meesha lugu safo boorsooyinka eygu baarayo. Hade ogow uma aannaan dirsan. Kuwii kale ayaan ka daba geynay. Ka dib baarista eyga, ninkii ayaa boorsooyinkii hooyo iyo kuwa dad kale leeyihiin hore u sii riixay.

Waxaan galnay terminalka. Waa baaritaan kale. Buuq, sawaxan iyo jaha wareer. Baaritaankii markii aan ka gudubnay ayaan xafiiskii diyaaradda saf u galay si aan boarding pass u jaranno. Aniga oo safka ku jira, ayaa ninkii boorsooyinka noo soo riixay inta ii soo war dhoweeyay igu yiri, "shaahii tuur". Waa u geliyay wixii Alle iga soo qaaday.

Shaashadda ninka boading pass ka jaraya gadaashiisa ku dheggan waxaa ku qoran in diyaaraddu bixi doonto 10.30 subaxnimo. Tikidka-se waxaa ku qornaa iney 9ka subaxnimo baxayso.

📍Aden Abdulle International Airport - Mogadishu, Somalia 🇸🇴 Aden Adde  International Airport , formerly known as Mogadishu International Airport,  is an international airport serving Mogadishu, the capital of Somalia. It  is named

Hoolkii diyaaradda lugu sugayay ayaan u gudubnay. Markii aan sal muggii u fariisannay ayay hooyo i weydiisay in meesha masjid ku yaallo. Waa ku yaal ayaan iri, waana geeyay. Laba rakco oo duxa ah ayay tukatay. Hooyo labadaas rakco waa u caado. Allaha ka aqbalo.

Markii aan ku soo noqonnay kuraastii diyaaradda lagu sugayay, ayay hooyo waxay meesha iska garteen nin oday ah. Isku diyaarad ayaan ku qorneyn. Is wareysi ka dib, wuxuu na weydiiyay, "wax been idiin sheega ma aragteen?" Oo uu kala jeedo: diyaaraddu waqtiga ay baxayso ma la idiin sheegay? Qolooyinka diyaaradaha rara ayuu u duur-xulayaaa, oo uu leeyahay runta ma sheegaan. Kama been sheegin ayaan is leeyahay.

Albaabada terminaalka ee u furan barxadda diyaaraduhu fariistaan shaqaale diyaaradeed ayaa taagan. Marba magaalo mgaceeda ayay naadinayaan. Codkoodana si aad si fiican ugu maqasho waa inaad aad ugu dheg raaricisaa. Makaroofanka ay ku hadlayaan, sidii qof dhaawacmay ayaa sharooto lugu duuduubay. Ugu danbeyntii waa naloo yeeray diyaaraddiina waa raacnay.

Maha beled ma laga rabaa?

Markii Guriceel magaaleyntu ku billaabatay, ayaa waxaa la yiri qolo ayaa shineemo filimaanta laga fiirsado ka furtay. Dadka magaalada degganaa sooma aysan dhoweyn arrintaas. Nin ka mid ahaa hoggaamiyaasha bulshada magaalada, adeer Maxamuud Sabriye, ayaa arrintii gaartay. Markii loo sheegay waxa buuqa iyo dooddu ka taagantahay, ayuu dadkii su'aal weydiiyay. Wuxuu yiri, "maha beled ma laga rabaa?" Haa ayaa loogu jawaabay. Shineemada ha la daayo ayuu yiri.

Aniga hadda waxaan leeyahay, "maha Xamar ah beled ma laga rabaa?" Hadii ay jawaabtu haa tahay, airportka dadka xamaaliga ah ha laga mamnuuco.

Tegistii Guriceel

Ka dib safar saacad qaatay, Guriceel si nabad ah ayaan ku tagnay. Airportka Guriceel, kii Xamar ka buuq iyo jahawareer yar. Waxaa airport-ka naga qaaday laba nin oo hooyo waalid u tahay. Waxay wataan baabuur Probox ah. Baabuurta airportka taalla badankoodu waaba Probox. Midab ahaanna waa wada cadyihiin.

Airportku magaalada in cabbaar ah ayuu ka baxsanyahay. Ka dib markaan marnay 3 baaritaan amni, waan tagnay magaaladii. Goobaha baaritaanka waxaa calaamad u ah xarig maro ka sameysan oo ku xiran laba tiir/geed oo laamiga labada dhinac ka kala xiga. Sidaa si ka roon oo lagu calaamadin karay iney jirto waan aaminsanahay.

Hooyo ayaan kusoo dejinay guriga walaasheed, habaryar Xaliimo Sheekh Nuur. Is nabdeyn ka dib Waqti qado ayaa la gaaray. Qado gobeed ayaa nalagu sooray. Aniga iyo akhiyaartii na soo dhoweysay waan soo tagnay. Albeerga yar ayaa la i geeyay. Albeergada waxaa la yiraa 'Dhagayare Hotel'

A white tag with black text and numbers

AI-generated content may be incorrect.

 

Xilligu waa xagaa. Xagaagana Guriceel inta badan waa qabowdahay. Aroortiiba ha u darnaatee. Cirka daruuro ayaa ka muuqda. Laakiin kuwa biya sida oo da'a ma ahan. Dabeyl aan yareynna wey dheceysaa. Baaddiyaha, in kasta oo aanan tegin, waxaa la ii sheegay in jiilaal xuni ka jiro. Sababta oo ah gugii u danbeeyay aad uguma hoorin wadanka. Jiilaalka waxaa sidoo kale wadanka u dheer, colaado sokeeye. Allaha kala qaboojiyo.

Magaalada waxaan joogay sedax habeen. Intii aan joogay waxaan arkay, horena u ogaa, in magaaladu u baahantahay adeegyo kala duwan. Waxaa igu soo deg degay (i) dhireyn iyo (ii) ifin. Waa laba arrin oo wax laga qaban karo, hadii bulsho baraarugsan iyo maamul u-heellan la helo.

Qaraaba salaan ayaan ku qaatay waqtigeyga inta u badan. Qaraaba salaanka waxaa ii dheeraa, booqasho aan ku tegay iskuul iyo dugsi qur'aan magaalada afaafkeeda koonfureed ku yaal.

Galab Khamiis ah casir liiqii ayaan tagnay. Waxaan isla soconnaa Cabdullaahi Cali Axmad oo magaalada deggan, iskuulkana macallin ka ah; iyo Cabdullaahi Cabdi Maxamad Xiirey oo aan Xamar ka wada nimid. In kasta oo aannaan isku maalin tegin Guriceel. Labada nin midba kan kale ayuu 'Madaxey' ugu yeeraa. Mid aan Madaxey u aqaannayna kuma jiro.

 

May be an image of Uluru

Iskuulkaan sheekadiisa xiisa gooni ah ayay leedahay. Waa iskuul dhowaan la dhisay oo ay dhigtaan ilma agoon ah iyo kuwo dan yar ah. Waa mashruuc maxalli ah oo ay hirgeliyeen dad reer Guriceel ah. Iskuulka waxaa maamusha hay'adda Iqra foundation.

Iskuulku dhul ballaaran ayuu ku fadhiyaa. Wuxuu ka koobanyahay todobo fasal, xafiis maamul, dugsi qur'aan, iyo masjid weyn. Baraxaddiisa waxaa lagu beeray geedo baxarsaaf u badan oo aad u qurux badan.  Inta aan joognay waxaa waraabinayay geedaha, dhallinyaro dhowr ah oo da' yar.

Waxaa la ii sheegay iney dhigtaan iskuulka iyo dugsiga in ka badan 300 oo arday. Lacag waxbarasho lagama qaado ilmaha. Waxbarashadana waxaa u dheer cunto (quraac iyo qado) bilaash ah iyo bas gurigooda ka soo qaada kuna celiya.

Waa hawl ku dayasho mudan. Guul ayaana u rajeynayaa.

Maxamuud Sabriye ma xasuusataa. Kor ayaan magiiciisa kusoo sheegay. Iskuulkan agoonta iyo dan yartu dhigato isaga ayaa loogu magac daray.

Waxaan Guriceel ka soo tegay Jumce. Diyaaraddii waxay nala aadday Gaalkacyo. Ka dib Gaalkacyo, Ilaahey Xamar waa na nabad keenay. Buuqii iyo jahawareerkii airportka Xamar isma bedelin oo waa sidiisii.

Anna waxaan weli taaganahay "Maha beled ma laga rabaa?"

Comments

  1. Arinta 🌳 iyo 💡 ee beledka Guriceel waa arin mudan in lagu baraarujiyo bulshada deggan magaalada iyo dadkii kale ee wax kala qaban kara.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Xal u Raadinta Dhibaatooyinka Muqdisho: Waxaa la Joogaa Waqtigii Jaamacaduhu soo Dhaafi Lahaayeen Fasallada.

Casharka ku Jira Ciilka Cartan

Khaladaadka Hirgalay