Bareyaasheydii: Xuska Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21ka Nofeembar
Markaan dib u milicsado
carruurnimadaydii Muqdisho iyo waxbarashadeydii, waxaan xasuustaa wax
dhaafsiisan casharradii naloo dhigi jiray ama maaddooyinkii ku qornaa
jadwalkayaga waxbarasho. Waxaan xusuustaa dadkii maalin kasta na soo hor
istaagi jiray, iyagoo ku dadaalaya inay maskaxdeenna da’da yar ku beeraan aqoon
iyo wax kasta oo nolosha waxtar u leh.
Waagaas, waxay ii ahaayeen macallimiin
maaddooyin kala duwan I baraya oo keliya. Si buuxda uma aanan fahmi jirin
qiimahooda, dulqaadkooda, hal-adaygooda iyo sababta ay noogu adkeynayeen inaan
dadaalno oo la nimaad waxqabad qurxoon. Waxaan ahaa carruur. Iskuulka ayaan
iman jirnay, wixii la i baro ayaan baran jiray, waan ciyaari jiray, khaladaad
aan yareyn ayaan geli jiray, dabadeedna gurigeyga ayaan ku laaban jiray.
Carruurnimadii ka dib iyo garaadkeyga
koray, ayaa i baray qiimaha ay lahaayeen maalmahaas caadiga iila ekaa.
Fasalka ugu horreeyay ee aan fariistay
wuxuu ku yaallay Muqdisho, xilli aanay duruufaha waxbarashadu sahlanayn.
Duruufa kasta oo jira, macallimiintaydu joogto ayay u iman jireen, casharro-na
na siin jireen, iyagoo noo muujinaya in waxbarashadeennu muhiim tahay,
mustaqbalkeenna na mudan yahay in lagu dadaalo.
Maanta markaan dib u eego, waxaan
ogaadaa inaysan ahayn oo keliya dad casharro na siinayay. Waxay gacan ka
geysanayeen qaabeynta dadka aan mustaqbalka noqon lahayn.
Aniga oo u abaal haya, una duceynaya dhammaan intii wax I bartay, afar ka mid ah macallimiintaas ayaa si gaar ah xusuustayda ugu haray.
1. Macallin Axmed Ibraahim (Axmad Doob): Casharradii Sayniska iyo Dheeraadka
Macallin Axmed Doob wuxuu ii dhigi jiray
maaddada sayniska anigoo dhigta dugsiga hoose/dhexe. Hase yeeshee, waxaan ku
xasuustaa wax dhaafsiisan casharradii sayniska ahaa.
Wuxuu i baray sida saxda ah ee wax loo
qoro. Wuxuu i tusay halka joogsida la dhigo, sida hakadku u beddeli karo
macnaha weeraha, iyo sababta qoraal nadiif ahi u muujinayo ixtiraamka loo hayo
akhristaha.
Waxyaabahani waxay u ekaan karaan arrimo
yaryar, balse wiilkii yaraa ee fasalkiisa fadhiyay sidaas uma ahayn.
Macallin Axmed Doob wuxuu i baray
inaanan keliya fiirin dhemeynta hawhsa ee sidoo kale u dhug lahaado tayada
shaqada aan u gudbinayo.
Maanta, marka aan wax qorayo ee aan
hubiyo calaamadaha qoraalka, mar kasta oo aan arko qoraal aan hagaagsaneyn oo
la isku qasay xarfa yar-yar iyo kuwo waaweyn, waxaan xusuustaa macallin Axmad
Doob.
Waxbarashadu waa cajiib! Waxaa laga yaabaa inaad sanado kaddib illowdo cashar aad buug ka baratay, laakiin aad weli xusuusato qofkii ku baray inaad fartaada toosiso.
2
2. Macallin Abukar Axmad: Qiimaha Asluubta iyo Agaasinnaanta
Macallin Abukar wuxuu noo dhigi jiray
xisaabta, wuxuuna sidoo kale ahaa maamulaha dugsiga sare. Markii aan ardaga
ahaa, wuxuu ahaa macallinkii sharciga ugu adkaa ee aan aqaanay.
Waagaas, ad-adayggiisa lama aanan
dhacsaneyn. Sida carruurta badankeed, waxaan jeclaa in xoogaa naloo dabciyo.
Marka aad yar tahay, macallinka adag wuxuu kula muuqan karaa qof kaa hor
istaagaya xorriyaddii aad doonaysay.
Laakiin koritaanku wuxuu qofka siiyaa
aragti ka duwan tii carruurnimada.
Maanta waxaan fahamsanahay qiimaha uu
leeyahay macallinka sharci ku yuurarka ah, kugu adkeeya inaad fasalka timaad
adiga oo diyaar ah, waqtiga ilaaliso, shaqadaadana si wanaagsan u qabato.
Macallinka aan aqbalin dayacaadda iyo habacsanaanta, waad dhibsan kartaa
xilligaas, laakiin ku adkaysigiisu wuxuu qofka ku reebi karaa raad waara.
Waxaa laga yaabaa inaanan mar walba
fahmin sababta, laakiin, macalin Abukar, wuxuu ina barayay muhiimadda
agaasinnaanta, ilaalinta waqtiga iyo ku dhaqanka sharciga.
Dhaqankaas Macallin Abuukar, bulshada
casharro ka ballaaran fasalka, buugga iyo qalinka ayaa ugu jira. Waxaan marar
badan ka hadalnaa muhiimadda ay bulshada u leeyihiin is-nidaaminta, ilaalinta
anshaxa iyo isla xisaabtanku. Hase yeeshee, sifooyinkani iskood uma samaysmaan.
Waxaa lagu kobicyaa fasallada, guryaha iyo goobaha kale ee carruurta
barbaariya.
Waxaa laga yaabaa inaanan ilmanimadeydii fahmin ama aanan ku qancin habka Macallin Abukar wax u maamuli jiray. Laakiin maanta waan ku baraarugsanahay qiimaha ay leedahay in qofka lagu cadaadiyo inuu is hagaajiyo, hammi sare yeesho, oo aan loo oggolaan inuu ku qanco wax ka hooseeya waxa uu gaari karo.
3. Macallin Barrow: Fasalkii Beledweyn tagi jiray
Markii aan ku jiray dugsiga dhexe,
macallin Barrow wuxuu noo dhigi jiray ciyaaraha iyo afka Soomaaliga. Laakiin
waxaa jiray arrin kale oo aan ka xusuusto casharradiisa: sheekooyinka
Beledweyn, magaalada uu ku soo koray.
Xisadaha Macallin Barrow inta badan ma
dhammaan jirin iyadoo aan sheekadu ku leexan Beledweyn. Wuxuu magaaladiisa uga
sheekayn jiray si kalgacal leh, ilaa aan anigoo Muqdisho ku koraya ay ila ahayd
inaan Beledweyn tegayo.
Wuxuu xitaa na xisfidisiiyaya heestii
‘Beledweyn Allahayow”. Hees aan weli xusuusto inkastoo ay sannado badan ka soo
wareegeen maalmahaas dugsiga dhexe.
Waagaa, sheekooyinka Beledweyn ee macallinku noo sheegi jiray, qiime weyn ilama lahayn. Balse, hada waxaan arkaa inuu nugu baraarujinayay muhiimadda wadaniyadda, dal jacaylka iyo in qofku ku faano dhulkiisa.
4. Macallin Muuse Axmed Faarax: Barashada Qur’aanka iyo dulqaadka
Macallin Muuse Axmed Faarax ayaa i baray
Qur’aanka Kariimka ah. Isaga ayaan uga abaal hayaa inaan maanta Qur’aanka u
akhriyo anigoo raacaya xeerarka Tajwiidka.
In ilma yar la baro Qur’aanka si sax ah
waxay u baahan tahay dulqaad gaar ah. Xaraf kasta waa in si habboon loogu
dhawaaqaa, cod kastana waa inuu ka soo baxaa meeshiisa saxda ah. Khalad laga
yaabo in macallimiin badani ay yareysan lahaayeen, isaga uma dhuuman jirin mana
fududeysan jirin. Waxaan xasuusta, in Macallin Muuse uu aad u dhibsan jiray
joogtana uga digi jiray in ardadu isku khaldan dhawaqa labada xaraf ee ‘Kh’ iyo
‘Q’.
Inta badan, in ilmuhu horumar ka sameeyo
casharrada la barayo waxay macallinka uga baahantahay dulqaad. Macallin Muuse
Axmed wuxuu lahaa dulqaadkaas. Wuxuu iga caawiyay inaan barto akhriska
Qur’aanka si saxah. Tan oo aan illaa hadda ku intifaaco. Allaha ka ajar siiyo.
Maanta, mar kasta oo aan Qur’aanka
akhrinayo, waxaan xusuustaa abaalka macallin Muuse. Wixii uu I baray waxay weli
qayb ka yihiin noloshayda.
Alle ha ka abaalmariyo Macallin Muuse
wixii uu i baray, ha aqbalo dadaalkiisii, hana siiyo khayr adduun iyo mid aakhiro.
Casharrada aan weli sito
Afartan macallin waxay i bareen
maaddooyin kala duwan, mid walbana wuxuu igu reebay raad u gaar ah.
Macallin Axmed Doob wuxuu i baray inaan
qoraalkeyga dhug u yeesho oo aa ka taxaddaro. Macallin Abukar wuxuu i tusay
qiimaha anshaxa iyo agaasinnaanta sare. Macallin Barrow wuxuu i baray in afka,
suugaanta iyo dal jacaylka ay bulshada muhiim u yihiin. Macallin Muuse Axmed
Faarax-na wuxuu i baray Qur’aankii Eebbe weyne iyo dulqaadka ay u baahantahay
in wax saxan la barto.
Casharradaasi kuma ekaan fasalladii
dugsiga. Waxay ila soo gaareen qaangaarnimada; waxay saamayn ku yeesheen
qoraallada aan qoro, hagaagsanaanta iyo agaasinnaanta aan isku dayo inaan
ilaaliyo, sida aan dadka iyo meelaha u fahmo, iyo aayadaha aan weli akhriyo.
Waxaan shaki ku jirin in macallimiintani
aanay fasallada hor istaagi jirin iyagoo ka fikiraya sida ardaydoodu u xusuusan
doonaan tobannaan sano kaddib. Waxay gudanayeen shaqadooda, iyagoo wax baraya
carruur aan weli fahmi karin qiimaha waxa loo qabanayo.
Tan waxay ka mid tahay cajaa’ibka
macallinnimada. Natiijada dadaalka macallinku mar walba si dhaqsa ah uma soo
muuqato. Waxaa dhici karta inuusan macallinku waligiis ogaan casharka uu
ardaygiisu xusuusan doono, caadooyinka toosan ee uu qaadan doono, sheekada u
waasicin doonta fahamkiisa iyo aragtidiisa, ama xirfadda uu adeegsan doono
sannado badan kaddib markii uu casharradii buuggiisii illoobay.
Aniga oo aan ku ekeyneyn afartaan
macallin, dhammaan intii wax I bartay, waxaan leeyahay: Waad mahadsan tihiin.
Macallimiinta Soomaaliyeed dhammaantood,
ee maalin kasta fasalladooda taga iyagoo la tacaalaya duruufo adag, iyaga oo
aan haysan agab waxbarasho oo ku filan, waxaan leeyahay: shaqadiinnu waa
muhiim.
Inkasta oo laga yaabo in aan mar walba la idiin Mahad celin, mushaharkiinnu aanu ku filnayn baahiyihiina, ama natiijada dadaalkiinnu aanay si degdeg ah u muuqan, waxaa hubaal ah inaad raad togan uga tegeysaan nolosha dadka yar yar ee maalin kasta idin dhibaya.
Hagaajinta mustaqbalka bulsho waxaa
qaybta ugu weyn ka qaata cilmiga ay barto da’ yarteeda iyo qiimeynta dadka
cilmigaa xanbaarsan oo macallimiinta ah.
Hambalyo maalinka macallinka Soomaaliyeed
ee 21ka Nofeembar.


Comments
Post a Comment